Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsiga Garoowe oo Xiran iyo Mudaharaad Ka Dhacay Magaalada

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta gabi ahaan xiran ganacsiyada kala duwan ee magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, kadib markii ganacsatadu ka cabteen sicir barar ku yimid lagaha Shilinka Soomaaliga iyo Dollarka.

Boqolaal dadweyne ah oo ka cabanayo sare kaca  ku yimid sarifka ayaa waxaa ay dhigeen dibadbax ay kaga cabanayaan, waxaana ay socod ku mareen wadada halbowlaha u ah magaalada, iyagoo gaaray xarunta Baarlamaanka.

Qaar kamid ah mudahaaradayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka cabanayaan sarifka lagcagaha oo sare u kacay, waxaana ay maamulka ugu baaqeen inuu waka qabto sarifka  “ Dowladda waxaan ka codsanaynaa tallaabadii ugu horaysay waa ay qaaday, waxaan dooneynaa in la jaan gooyo lacagta sarifka ah, lacagta Soomaaliga cid diidan majirto waxaa la isku hayaa sarifkii lacagaha ayuu yiri”.

Mudaharaadkaan ayaa waxaa uu dabajoogaa kadib  markii wasaaradda maaliyadda Puntland ay ku amartay shirkadaha Golis iyo Dahabshiil inaan shacabka loo ogolaan in la isku diro 1$ lacag ka yar si lacata shilinka kor loogu soo qaado sida lagu sheegay qoraal ka soobaxay.1-10.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

2-5.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

3-3.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

 

4-4.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this