Deeq A. Posted December 6, 2020 Faah faahino kala duwan ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyo labo beelood oo wada dega tuulooyin hoos-yimaada degmada Walanweyn ee gobolka Sh/ Hoose. Dagaalka ayaa xoogiisu waxa uu ka dhacay tuulada Duruqweyne oo dhanka koonfureed ka xigta deegaanka Yaaqbariweyne, waxaana halkaasi lagu dilay 3 qof oo rayid ahaa. Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay hal goob ku dileen dadka shacabka ah xilli ay ku sugnaayeen tuulada Duruqweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhammaan dadka la dilay ayaa waxa ay aheeyen xoolo dhaqato, kuwaasi oo xoolo ku heystay deegaankaasi. Degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa horay uga dhacay dagaal beeleedyo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. View the full article Share this post Link to post Share on other sites