Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Dhambaalka Madaxweynaha JF ee Jaamacadda Ummadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka kowaad, waxaan u hambalyeynayaa ardayda nasiibka u yeeshay inay ka mid noqdaan dufcaddii labaad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, tan iyo markii dib loo howl galiyay Jaamacadda, sida oo kalena ah dufcadii 21-aad ee ka qalin beddelata Jaamacadda tan iyo markii la aasaasay. Marka labaad, aniga oo fursad uga faa’iideysanaya waxa aan hambalyo u dirayaa guud ahaan bahda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed 70-tan guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay Jaamacadda.

Waxaa xaqiiq ah in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay xusuus gaar ah ku leedahay taariikhda dalkeenna, iyada oo door weyn ka soo qaadatay la dagaallanka Jahliga iyo saboolnimada, oo aynu ka xusi karno ololihii horumarinta reer miyiga ee dalka oo dhan lagu gaarsiinayey barashada akhriska iyo qoraalka, sannadkii 1974-tii.

Waxaa xusid mudan in Jamaacadda Ummaddu ay soosaartay aqoonyahanno badan oo  hormuud iyo hoggaan ka noqday dalka iyo dunnida kale ba.

Waxaan bogaadinayaa kaalinta wax ku oolka ah ee ay Maamulka Sare, hormuudka Jaamacadda iyo bareyaashu ka qaateen xaqiijinta in ay soo saaraan arday Soomaaliyeed oo maanta u diyaarsan horumarinta dalka iyo dadkooda.

Tacliintu waxay ka mid tahay arrimaha ay ahmiyadda gaarka ah siinayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, si bulshada Soomaaliyeed ay fursad ugu hesho helitaanka waxbarasho tayeysan. Si aan taas uga *****no waxaan kordhinnay miisaaaniyadda waxbarashada Dalka oo 2017-kii ahayd 1.6%, iyada oo hadda aan gaarsiinnay 8%. Waxaannu  hir-gelinnay 84 iskool oo in ka badan 65 kun oo arday ay ka helaan waxbarasho bilaash ah.

Sidoo kale, waxaan aasaasnay Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare oo xoojinaya tayada Jaamacadaha iyo xorumaha tacliinta sare ee dalka.

Waxaa dhab ah in aan xaqiijinayno himiladeenna ku aaddan Soomaaliyada aan jecelnahay in aan aragno, taas oo ay saldhig u tahay waxbarasho tayo sare leh, kobcinta xirfadaha, kor u qaadista waddaniyadda iyo garaadka ubadkeenna.

Waxaan mar labaad leeyahay hambalyo dhammaan ardayda nasiibka u yeelatay in ay ka qalin jabiyaan sannadkan kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. waxaanna farayaa inay dhexda u xirtaan u adeegista bulshadooda iyo qarankooda, isla markaasna ay aqoontooda uga faa’iideeyaan horumarka dalka iyo horusocodka bulshada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this