Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo go’aan cusub oo xasaasi ah kasoo saartay doorashooyinka dalka (Aqri)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qoraal adag kasoo saaray mowqifkooda ku aadan doorashooyinka dalka, iyagoo oo sheegay inaysan doorasho qabin karin illaa dowladda Soomaaliya ay kusoo wareejiso gacan ku haynta gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay ka shaqeynta iney qabsoonto doorasho wakhtigeeda ku dhacda, balse waxey sheegeen in dowladddu ay baalmareyso heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho kaas oo u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Qoraalkaan kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland waxaa lagu dalbaday in gacantooda lagu soo celiyo gobolka Gedo dhan walba, waxeyna intaas ku dareen in ciidamo jabhad u abaabulan oo ka amar qaata saraakiil ka tirsan ciidanka Nabad sugidda dowladda Federaalka ay muddo laga joogo 10 bilood gacanta ku hayaan.

“Dowlad Goboleedka Jubaland waxay caddaynaysa in aanay doorasho ku qabin karin meel aan sharci iyo kala dambayni ka jirin, ayna maamulkeeda gacanta ku hayaan ciidamo ka amar qaata shaqsiyaad,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubaland.

Jubaland ayaa ugu dambeyn sheegtay inay uga digayso madaxda Dowladda Federaalku “inay iska indha tiraan cabashooyinka iyo digniinaha ka soo yeeraya saamileyda hanaanka siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horeeyaan Midowga Musharaxiinta, kuwaas oo lagu dalbanayo qabashada doorsho loo siman yahay dastuurkana waafaqsan.”

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA:

PHOTO-2020-12-06-06-06-59.jpg

The post Jubaland oo go'aan cusub oo xasaasi ah kasoo saartay doorashooyinka dalka (Aqri) first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this