Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe: “Guudlaawe fidno ayuu wadaa dhibkii dhacana Farmaajo ayaan u heysanaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan gobolka Hiiraan, waxuuna sheegay in dowladda federaalka ay jajuub ku heyso dadka reer Hiiraan, isagoo mas’uuliyadda jaha wareerka ka taagan Beledweyne dusha ka saaray madaxweynaha cusub Cali Guudlaawe.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay aamusanaashaha xaaladan ee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo horay looga bartay in doorweyn uu ka qaatay dhismaha maamulkii hore ee HirShabeelle.

“Waa xaqiiq in Ugaas Xasan uusan mudo ka hadlin arrinta ka taagan Hiiraan, dadkuna waxay ku barteen maamulkii hore ee la dhisaayey inuu door weyn ku lahaa, hadana ma haboona inaan Ugaaska wax ka sheego, laakiin waxaan aaminsanahay in arrimo u gaar ah uu uga gaabsaday arrinta ka taagan Hiiraan, in kastoo ay habooneed xiliga dadkiisu uu xaalada adag ku jiro inuu kala qeyb qaato,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha cusub ee HirShabeelle Cali Guudlaawe uu hadda fidno ka wado Hiiraan, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Waa cadahay in Cali Guudlaawe uu meesha fidno ka wado, waxaa lagu doortay Jowhar caasimadii waa jowhar, madaxweynana meeshii lagu doorto ayaa lagu caleema saari jiray, ee waxaa socda daandaansi iyo san ka taabasho, isagoo og in dadka reer Beledweyne aysan raali ka heyn wixii lagu soo dhisay Jowhar,” ayuu Sanbaloolshe hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay in madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed uu isku dayey in Cali Guudlaawe uu xoog ku geeyo Baledweyne, balse ay u suurta geli weysay.

“Walaalkey Cali Guudlaawe waxaan leeyahay cid ku dhaheysa malahan madaxtinimada dhig, hadaadan adigu iska dhigeyn, meeshaas dadka jooga waa gadoodsanyihii, dadkuna xiliga uu kacsanyahay loogama sii daro, dab shidana baasiin laguma sii daro,” ayuu yiri.

Sidoo kale Sanbaloolshe waxa uu sheegay in wax kasta uu ka dhaca Beledweyne ay u heystaan madaxweyne Farmaajo, “Wax kasta oo fidno ah oo halkaas ka dhaca Madaxweyne Farmaajo ayaan u heysanaa,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Sanbaloolshe ayaa ugu baaqay dadka reer Hiiraan in aysan isku dirin dowlad waqtigeedu sii dhamaanayo, isagoo usoo jeediyey in wax kasta oo ay kala tabanayaan si nabad ah ay ku dhameystaan.

Hoos ka Daawo

The post Sanbaloolshe: "Guudlaawe fidno ayuu wadaa dhibkii dhacana Farmaajo ayaan u heysanaa" first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this