Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Rooble oo hor kacaya sidii lagu xaqiijin lahaa doorasho ka dhacda dalka isagoo si weyn ugu howlan xalinta tabashooyinka jira

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo baxaayay dadaalo xowli ku socda oo uu hor kacayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku doonayo inuu ku xaqiijiyo inay doorasho ka dhacdo dalka asaga oo xiriiro toos ah la lahaa madaxda dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta ku dhawaaqay inay u taagan yihiin u tartamida xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Rooble oo ay u arkaan siyaasiyiinta mucaaradka in uu yahay Ra’iisul Wasaare nabad doon ah oo jecel inuu tabasha kasta oo jirta wadahadal ku xaliyo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu wadahadallo toos ah la lahaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayadoo la og yahay in xiriirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadan uu maalmihii lasoo dhaafay uu galay mugdi.

Sida ay sheegeen dad u dhow Madaxda Puntland iyo Jubbaland, Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u arka dadaalada uu wado Rooble kuwa yidi-diilo leh oo ay ka muuqdaan niyad wanaag.

Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa uu RW Rooble ka wadaa kulamo gooni-gooni ah oo uu la leeyahay siyaasiyiinta quud dareynayso madaxtinamada dalka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda beesha Mogadishu Clan asaga oo xooga saarayay inuu ka shaafiyo wixii mad-madow ah ama tuhun ah oo ay qabaan loona baahan yahay in uu dalka horey usii socda.

RW Rooble oo aan aheyn musharax u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya ayaa u muuqda siyaasiga hada loogu kalsooni badan yahay dhinacyada siyaasada isku diidan oo dalka gudbin kara xiligan xasaasiga ee uu dalka ku jiro.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this