Sign in to follow this  
Deeq A.

Garyaqaan sare oo lagu soo oogay shirqool ka dhan ah Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Garyaqaan degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu ku lug yeeshay fal khiyaano ah oo lagu xadayo in k abadan $12.5 milyan oo dollar, oo ka mid ah hantida Soomaaliya uga xaniban bangiyo dibadda ku yaalla.

Ninkan ayaa qaatey boqolaal kun oo dollar oo ay siisay shirkad dhanka sharci qaabilsan, oo qaadatay in ka badan 3 milyan oo dollar oo lacagtaas ka mid ah.

Xeer-beegti federal-ka ayaa Arbacadii kusoo oogtay Jeremy Iskoolmaan ,  oo 45 jir ah, islamarkaana degan magaalada Bethesda, dacwado ay ka mid yihiin musuq-maasuq banki, been xalaaleyn lacag, iyo lacago si sharci-darro ah la isaga gudbiyey bankiyo.

Schulman iyo xubno kale ayaa isku dayey inay si sharci-darro ah gacanta ugu dhigaan boqolaal milyan oo dollar ah oo ka mid ah hantida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ee taalla bankiyada caalamka, taasi oo la hakiyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Schulman ayaa bankiyadaas u geeyey dukumentiyo la been-abuuray, si uu gacanta ugu ula wareego malaayiin dollar oo ah hantida dowladda Soomaaliyeed, intii u dhaxeysay 2010 illaa 2014, sida lagu sheegay dacwadda.

Schulman ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu boqolaal kun oo dollar oo magdhow ah ka qaatay shirkad sharci, taasi oo si aan sax aheyn u qaadatay 3.3 milyan oo dollar oo kamid ah lacagta dowladda Soomaaliya.

Paul Butler, oo ka mid ah qareenada difaacaya Schulman, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay rumeysan yahay in xeer-ilaaliyayaasha Waaxda Cadaaladda Mareykanka si qaldan wax loogu sheegay, islamarkaana ay ku guul-darreysteen inay si dhameystiran u baaraan una hubiyaan caddeymaha.

“Waxaan ku kalsoonnahay marka fursad loo siiyo inuu sheego sheekadiisa, in Mr. Schulman si buuxda looga beri yeeli doono inuu ku kacay wax fal-dambi ah, iskaba daa khiyaameyn,” ayuu yiri Butler.

Shirkadda sharci ee heshay lacagta, laguma magacaabin dacwadda.

Schulman ayaa hadda ka mid ah maamulayaasha shirkadda Schulman Bhattacharya, wuxuuna maamula qeybta dacwadaha la xiriira ganacsiyada ee shirkadda.

Website-ka shirkadda ayaa waxaa ku xusan in Schulman uu dowladda federaalka Soomaaliya ku matalay kiisas dhowr ah, oo ay ka mid yihiin baaritaanka eedeymo musuq-maasuq oo ay soo jeediyeen kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea).

Schulman ayaa loo qorsheeyay inuu ka soo muuqdo maxkamadda ku taalla Greenbelt, oo katirsan Maryland maalinta Isniinta ee soo socota.

Butler wuxuu sheegay in garyaqaanka la eedeeyay uu Dowladii Ku Meel Gaarka ahayd ee Soomaaliya uu kala shaqeeyay soo celinta hantidii lagu xayiray dibada, oo ku jira Maraykanka oo in ka badan $ 9 milyan oo hanti ah dib ugu soo celiyey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this