Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ‘lagu qabtay’ degmada Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen degmooyin, deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Sh/ Hoose

Howl-gallada oo xoogooda ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ay ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ayaa la tilmaamay in lagu soo qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay sarkaalkaas oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ay ka soo qabteen guri ku yaalla degmadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi la sheegay in gacanta lagu soo dhigay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa kordhiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this