Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Sheegay In Xidhiidh Rasmi Ah Oo Dhex-mara Israa’iil Ay Ku Xidhantahay Sharuud Ah In La Helo Dal Iyo Dowlad Madax-bannaan Oo Ay Leeyihiin Falastiiniyiinta.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Wasiirka Arrimaha Dibada ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in xidhiidh rasmi ah oo dhexmara Sacuudiga iyo Israa’iil ay ku xidhantahay sharuuda ah in la helo Dal iyo dowlad Madax bannaan oo ay leeyihiin Falastiiniyiinta.

Wasiirka Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan ayaa warkan ka sheegay shirka Med2020 oo sannad walba lagu qabto magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, isagoo aalada Internetka uga qeybgalay.

Wuxuu meesha ka saaray tuhunka ah in xidhiidhka ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Israa’iil uu muddooyinkii danbe sii xoogeysanayo, isla markaana dalka Sacuudiga kamid noqon doono dalalka Carabta ee xidhiidhka dhammeystiran la yeesha Israa’iil, sida heshiiskii dhexmaray Israa’iil, Imaaraadkaa, Baxreyn iyo Sudan.

“Heshiis kasta oo dhexmara Sacuudiga iyo Israa’iil waa lama huraan in saldhig ay u noqoto xaalada Falastiin, waxa kaliya oo aan ku xidhnay waa in la helo Dowlad iyo Dal Madax banaan oo ay Falastiiniyiinta leeyihiin, iyadoo la raacayo xaduudihii 1967dii…” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada oo sheegay in go’aankoodaas uusan waxna iska bedalin.

Wadanka Sacuudiga oo ah dalka ugu weyn Carabta uguna awooda badan ayaa hore marar badan usoo jeediyey in Israel iyo Falastiiniyiinta lagu heshiisiiyo dhismaha wadan u gaar ah Falastiin balse Israa’iil ayaa qorshahaasi diidan iyagoo boobay dhul badan oo ay lahaayeen Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale Israel ayaa diidan in Isra’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta wada yeesheen hal dowlad iyo xaquuqsiman taasi oo ay og yihiin in Falastiiniyiinta ka tiro badan yihiin, arrintaasi ka dhigtay Israel inay hada tahay maamul loo yaqaan (Apart-heid) oo dadka lagu kala sooco isirkooda, iyagoo sheegta in Israa’iil ay tahay dowlad u gaar ah Yuhuuda oo kaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this