Deeq A. Posted December 5, 2020 Diyaaradii 2 December ku dhacday garoonka diyaaraha Garowe oo weli taalla Run-wayga Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ayaa maalintii afaraad xiran, kadib markii todobaadkii hore diyaarad ku dhacday dhabaha diyaaraduhu ku ordaan. Diyaaradda Air Djibouti Boeing 737-500 oo ka soo duushay Hargeysa ayaa arbacadii la soo dhaafay ku dhacday garoonka, iyadoo ilaa hadda taalla bartahama dhabaha diyaaraduhu ku ordain, kuna tiirsan mishiinka gacanta midig. Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe oo xariga laga jaray 2018 ayaa la’hayn Taaga diyaaraha lagu qaado ama lagu jiido marka ay dhacaan ama cilado ku yimaadaan (Aircraft Tow Tractor). Aircraft Tow Tractor (Taaga diyaarahaha Sidoo kale sababta garoonka diyaaradaha Garowe uu maalintii afaraad u xiran yahay ayaa ah, iyadoo garoonku uu leeyahay hal dhabe ama hal run-way oo diyaaaraduhu ku ordaan, kaasna ay taallo diyaaradu. Maanta ayaa lagu wadaa in diyaarada Wiish looga qaado khadka diyaaraduhu ku ordaan, si garoonku u furmo. Diyaaradda Air Djibouti Boeing 737-500 ayaa markii ay shilka ku gashay garoonka Garowe waxaa la socday 39 rakaab ah iyo 5 shaqaale ah, balse ma aysan jirin cid wax ku gaartay. PUNTLAND POST The post Garoonka diyaaradaha Garowe oo maalintii afaraad xiran appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites