Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray xiisada gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Janaraal Muqtaar Xuseen Afrax oo ku sugan Beledweyne ayaa kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, si xal looga gaaro xiisada ka taagan halkaasi.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan tabashada ka dhanka ah Hirshabelle ee ka taagan Beledweyne.

Labada dhinac oo gaaray heshiis horudhac ah ayaa isla meel dhigay illaa 4 qodob, kuwaas oo kala ah:-

1: In Wasiirka Arrimaha gudaha uu Odayaasha u ballan qaaday in Madaxweynaha Hir-Shabeelle tegi doonin Beledweyne ilaa xal laga gaaro khilaafka jira iyo tabashada ay qabaan Reer Hiiraan.

2: In Ciidamada Dowladda aysan awood Ciidan u adeegsan doonin dadka diidan dhismaha Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle, kuwaas oo maalamahaan banaanbaxyo ka waday Magaalada Beledweyne.

3: Wasiirka Arrimaah Gudaha ayaa Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday inay xiisada dejiyaan sidoo kalena ka qeyb qaataan sidii loo furi lahaa wadooyinka ay xireen dadka banaanbaxa ka dhigayay Magaalada Beledweyne.

4: In Odayaasha Dhaqanka ay Wasiirka u keenaan Warqad ay kusoo qorayaan tabashada ay ka qabaan Maamulka Hir-Shabeelle si uu ugu gudbiyo Madaxda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this