Sign in to follow this  
Deeq A.

Garyaqaan Maraykan ah oo lagu soo oogay dacwad ah in uu si khiyaamo ah hanti uga dhacay dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Garyaqaan Mareykan ah oo lagu magacaabo, Jeremy Wyeth Schulman, ayaa lagu soo oogay Dacwad ah in uu si khiyaano ah malaayiin doollar uga xaday dowladda Soomaaliya, isla markaasna weli haysto qayb kamid ah lacagtaasi.

Lacagta la xaday oo la sheegay in ay ka badan tahay $12.5 Milyan, waxa la sheegay in Garyaqaanku ka heley Hey’ado maaliyadeed, kaddib markii uu u soo bandhigey dukumentiyo been abuur ah, intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2014 kii.

Sidoo kale, Xeer-beegtida Mareykanka ah ayaa Garyaqaankan iyo rag kale oo aan la magacaabin, ku soo eedeeyey in ay isku dayeen in ay si khiyaano ah ula wareegaan malaayiin doollar oo bangiga dowladda Soomaaliya leeyahay, taasi oo lagu xayiray akoono dibadda ah, xillii uu dalka ka socday dagaalka sokeeye.

Qareenka u doodaya Garyaqaan, Jeremy Schulman, ayaa beeniyey dhammaan eedaynaha, wuxuuna sheegey in ninkani uu dowladdii Kumeel-gaadhka ahayd ka caawinayey sidii uu Soomaalida ugu soo celin lahaa lacagaha dunida kaga xayiran.

PUNTLAND POST

The post Garyaqaan Maraykan ah oo lagu soo oogay dacwad ah in uu si khiyaamo ah hanti uga dhacay dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this