Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya & Turkiga oo ka wada-hadlay xiriirka labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa uu ku leeyahay Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz.

Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga ka dhexeeya labada dal, waxaa kale oo ay isla fallanqeeyeen arrimihii ugu dambeeyay xaaladaha gobolka iyo dunida.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Cabdi (Koodaar).

 

01AC3CCC-32F2-42DC-A50B-32D290451D19-300 7B28CAA8-B86F-4B41-A112-22511A633DD3-300

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this