Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Goodax oo weerar xun oo qabyaaladeysan ku qaaday Cali Guudlaawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa weerar culus oo qabyaaladeysan ku qaaday madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Goodax Barre ayaa Cali Guudlaawe ku tilmaamay “nin aan u qalmin inuu madaxweyne noqdo, oo qabyaalad ay ka buuxdo, oo miyiga kusoo koray.”

“Waa nin neceb isir iyo daad gaar ah, wuxuuna ka keenay dhaqanka miyiga. Wuxuu beel gaar ah [Beesha Xawaadle] madax u geliyey beelaha kale ee gobolka, oo uu ka dhaadhiciyey inay nacaan, oo ay cadowgooda yihiin,” ayuu yiri Goodax Barre.

Goodax Barre ayaa sheegay in Guudlaawe uu madaxweynenimada ku helay kadib markii beelaha dega gobolka Hiiraan uu ka horkeenay beesha Xawaadle, sida kursiga loo fadhiyo.

Waxa uu sidoo kale qiil u yeelay jabhadda ka dillaacday gobolka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Jeneral Xuud, taasi oo uu sheegay inay ka dhalatay markii la handaday beesha Xawaadle, islamarkaana la bah-dilay.

Goodax ayaa sidoo kale kasoo horjeestay in Cali Guudlaawe lagu caleemo saaro magaalada Beledweyne, taasi oo uu ku qeexay bahdil iyo inay la macno tahay “aan ku guursado malxiisna ii qasab iigu noqo.

Waxa uu sidoo kale weeraray ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan oo uu sheegay in lacag lagu aamusiyey, islamarkaana uu ka badin waayey inuu jaad cuno.

Hoos ka daawo Goodax

The post Daawo: Goodax oo weerar xun oo qabyaaladeysan ku qaaday Cali Guudlaawe first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this