Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo faah-faahiyey sarkaal looga dilay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka sarkaal ka tirsanaa CIAda Mareykanka oo  ku dhintay howlgal ka dhan ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo loo maleynayo in uu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay askari Mareykan ah oo ka dhacay Kenya sanadkii hore

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa howlgal wadajir ay u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay deegaanka Gandarshe oo qiyaastii 30km dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta Muqdisho.

“Saraakiisheenna oo taageero ka helaya saraakiisha Mareykanka. Waxaan ku duulnay 2: 00 am habeenimo. diyaarado oo askarteena waxay lug ku tageen duurka ka hor inta uusan qarax weyn dhicin oo lagu dilay  saaxiibkeen Mareykanka ahaa iyo afar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Weerarkaas lagu qaaday Gandarshe ayeey saraakiishu sheegeen in uu ahaa mid fashilmay” 40 daqiiqo kaddib waxey noqotay in aynu dib u guranno annaga oo aan gaarin ujeedadeennii”

Inta udhaxeysa 650 ilaa 800 oo askari oo Mareykan ah ayaa ka howlgalaya Soomaaliya, sida ku cad tirakoobyadii ugu dambeeyay ee la sameeyay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this