Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka IRAN Oo Ansixiyay Sharciga Niyuukleerka Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Dowladda Iiraan ayaa qaaday tallaabo ay kaga hor istaageyso baadhayaasha Qaramada Midoobey inay baadhitaanno ka sameeyaan goobaheeda ama xarumaheeda Niyuukleerka isla markaana lagu xoojinayo kobcita maadada Yuuraaniyamta, sida uu dhigayo sharci cusub oo uu meel mariyaya baarlamaanka dalkaasi.

Sharcigaasi ayaa dowladda ku khasbaya in ay dib u billowdo kobcinta maadada Yuuraaniyamta oo ay gaadhsiiso 20%, heerkaa oo 3.67% ka sarreeyo heerkii lagu heshiiyay sannadkii 2015 – waa haddii muddo laba bilood gudahood ah lagu qaadi waayo xayiraadaha saaran dalkaasi.

Madaxweynaha dalkaasi, Xasan Rowxaani, ayaa sheegay in aanu raalli ka ahayn meelmarinta sharcigaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso maalmo uun kaddib dilkii loo geystay mid ka mid ah saynisyahannada dhanka Niyuukleerka ugu sarreeyo dalkaasi Iiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this