Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha gudaha XF Soomaaliya oo ku wajahan Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda FS mudane Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Baladwyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka socoto qabanqaabada soo dhawaynta wafdiga.

Wafiga oo goor dhaw ka ambabaxaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa halkaasi u tagaya xoojinta hawlo dib u heshiisiineed oo maamulka cusub ee Hirshabeelle ka wado gobolka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne waxaa haatan ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed  Hagar, Guddoomiyaha barlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiim Luqmaan iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay ka wadaan kulamo latashiyo ay ka qaadanayaan qeybaha bulshada gobolka Hiiraan, si meesha looga saaro tabasho ay dadka qaarkii ka qabaan hab dhismeedkii maamulka cusub ee Hirshabeelle.

Sidoo kale madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la filayaa inuu tago gobolka Hiiraan oo lagu wado inay ka dhacdo munaasabadda caleema saarka maamulka cusub ee Hirshabeelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this