Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen musharrax Cabduqaadir Cosoble & safiirka UK?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha dalkeena Soomaaliya, Amb Ben Fender.

Labada mas’uul oo yeeshay kulan saacado badan qaatay ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Mushurrax madaxweyne Cabduqaadir Cosoble Cli oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey kulanka uula yeeshay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyey inuu ahaa mid ah mid ah oo mira dhal ku soo dhammaaday.

“Waxaan kulan muhiim iyo mira dhal ah wada qaadanay Safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Somaliya Ben Fender kaas oo aan isla soo qaadnay arimo badan oo ay kamid tahay xaaladda guud ee Wadankeena Somaliya uu hadda ku suganyahay, si gaar ah Arimaha doorashada ee la filayo dhawaan in dalka ay ka qabsoonto taas oo aragtiyo isku mid ah aan ka qabnay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday dooda adag ee weli ka taagan guddiyada doorashooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa, si ay u dhacdo doorasho or iyo xalaal ah.

Dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si weyn ugu kala aragti duwan hannaanka loo wajayo doorashada oo muran oogan uu ka taagan yahay.

The post Maxay ka wada-hadleen musharrax Cabduqaadir Cosoble & safiirka UK? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this