Sign in to follow this  
Deeq A.

Amb.Francisco Madeira oo muqdisho kula kulmay Taliye ka tirsan Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   
1.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1

Wakiilka midowga afrika ee soomaaliya Francisco Madeira ayaa la kulmay madaxa howlgalka tababarka ciidanka midowga Yurub  ee soomaaliya jeneraal Fabiano Zinzone.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Amisom ee xalane ayaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada ay midowga Yurub siiyaan howlgalka iyo wada shaqeynta dhinacyada ka dhaxeysa taas oo ku saabsan sidii sare loogu qaadi lahaa amaanka iyo xasiloonida soomaaliya

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka Amisom Diomede Ndegeya.

Midowga Yurub waxay gacan weyn ka geystaan tababarka ciidanka soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

PUNTLAND POST

The post Amb.Francisco Madeira oo muqdisho kula kulmay Taliye ka tirsan Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this