Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Abiy Ahmed Dagaalkii Tigray-ga Awgii

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Yurub oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Abiy Ahmed Dagaalkii Tigray-ga Awgii

 eu.jpg
Abiy.jpg

 Midowga Yurub ayaa ka fiirsanaya inay joojiyaan taageerada miisaaniyadeed ee ay siin jireen xukuumadda Itoobiya ee Abiy Ahmed, sababo la xiriira xiisada Tigreyga ee dagaalka isku rogtay, oo toddobaadyadii u dambeeyay ka socotay waqooyiga dalkaas.

Midowga Yurub ayaa waxa uu hore taageero ahaan u siin jiray dowladda Itoobiya dhaqaale dhan 815-milyan oo euro, midaasi oo u dhiganta 975 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, taasi oo lagu shubi jiray qasnada dowladda.

Sida ay baahisay wakaalada Bloomberg, mas’uuliyiinta Midowga Yurub oo kulmaya bishaan gudaheeda ayaa ka fiirsanaya sida ay ka yeelayaan lacagtaasi oo dabayaaqada sanadkan lagu wareejin lahaa xukuumadda Abiy Ahmed.

Mas’uuliyiinta midowga yurub ayaa lagu wadaa inay hakiyaan taageerada lacageed ee malaayiinta dollar, ka gadaal saameynta balaaran ee ka dhalatay howl-galka millateri ee uu Abiy Ahmed ku qaaday gobolka Tigreyga.

Arrinta u weyn ee Midowga Yurub uu u sababeyn doono joojinta taageerada Itoobiya ayaa lagu sheegay “saameynta rabshadaha Itoobiya ka socda ay ku yeesheen ilaalinta xuquuqda aadanaha”, kadib dagaalka dowladda dhexe iyo maamulka TPLF.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa muddo ka dhago adeygaysa joojinta dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi, kaasi oo barakaciyey kumanaan dad ah oo ku noola gobolka Tigreyga, halka ay ku dhinteen boqolaal kale

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this