Deeq A. Posted December 2, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Yuusuf Garaad Cumar u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Xilkan ayaa waxaa banneeyay la-taliyihii ugu dhowaa madaxweyne Farmaajo, Maxamed Balal oo hadda noqday Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda. Wareegto kasoo baxday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Danjire Yuusuf in u xilsaaray inuu sii amba-qaado doorka dalkeenu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wada-jirka ah ee heer Gobol. Farmaajo ayaa u igmaday Danjiraha cusub inuu xooga saaro wax wada qabsiga, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalalka gobolka. “Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.” Sidoo kale waxa wareegtada madaxweynaha lagu sheegay inuu Danjiruhu yahay xeeldheere diblumaasiyadeed, oo hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York. Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa Danjiraha u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo mas’uuliyaddan culus, isaga oo kula dar-daarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. The post Madaxweyne Farmaajo oo xil u magacaabay Yuusuf Garaad first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites