Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarka, kadib uu iska hor imaad toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhanka Al-Shabaab, kadibna ay dagaal la galeen.

Sidoo kale dhankooda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi iyo dagaalka xigay ay ku dileen ugu yaraan illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this