Deeq A. Posted December 2, 2020 Wararka laga helayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in weerarka, kadib uu iska hor imaad toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhanka Al-Shabaab, kadibna ay dagaal la galeen. Sidoo kale dhankooda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi iyo dagaalka xigay ay ku dileen ugu yaraan illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya. Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites