Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay sababta ay u kala dooratay Kenya & Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta u faahfaahiyay sababta ay xukuumadda uu ka tirsan yahay u kala dooratay dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya.

Wasiirka wuxuu xukuumadda Nairobi ku eedeeyay iney xad-gudub cad sameysay, wuxuuna si mid mid ah u dul istaagay eedda ay u hayaan dowladda Kenya.

Waxyaabaha ugu horreeya ee lagu eedeeyay Kenya waxaa ka mid ah sida uu wasiirka sheegay iney safarada ku dhibto shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalana aysan Kenya dhawrin darisnimada iyo madax bannaanida.

Wasiir Dubbe wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday in Kenya ay martigaliso dad uu ugu yeeray iney dhib ku yahiin dowladda Soomaaliya, taasina uu ku sheegay iney tahay wax dhinac marsan darisnimada.

Dhanka kale su’aal laga weydiiyay waxa wanaajiyay xiriirka Itoobiya isla markaana xumeeyay kan Kenya wuxuu wasiirka sheegay in farqiga labada dal u dhaxeeya ay tahay in Itoobiya aysan ku lug laheyn siyaasadda Soomaaliya halka Kenya ay waddo qaab dadban oo ay kusoo faragalineyso arrimaha jira.

Dhanka ganacsiga ayuu taabtay isagoo sheegay in Kenya ay diiday iney ka faa’iideysato wax soo saarka Soomaaliya, balse kaliya ay dooneyso iney iyadu dhaqaale ka sameyso, waana sababta ay dowladda u qaadatay go’aanka ka dhanka ah xukuumadda Nairobi.

Ugu dambeyntii wasiirka wuxuu Kenya ku eedeeyay iney ka baxeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo, wuxuuna muujiyay iney taasi qeyb ka tahay waxyaabaha ugu weyn ee keenay inuu xumaado xiriirka labada dal.

The post Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay sababta ay u kala dooratay Kenya & Itoobiya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this