Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weeraray saldhig ay leeyahiin ciidamada Dowladda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimadda Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraray xarun ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyahiin deegaanka Sabiid ee gobolka Shabelaha Hoose, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in dhawaqa rasaasta dagaalka ay maqlayeen dhawr saacadood, dagaalkana uu ahaa mid xoogan oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Sida ay sheegen ma xaqiijin karaan khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray ciidamada ku dagaalamay halkaas, balse Saraakiisha ciidamada Dowladda waxey sheegeen iney iska caabiyeen Al-Shabaab isal markaana ay khasaare gaarsiiyeen.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha kala gaaray, walow website-yada taageera dagaalyahanada Al-Shabaab ee xogahooda gudbiya ay sheegeen in laba askari ay dileen dagaalyahanada.

Dhawaan ayey aheyd markii dowladda ay sheegtay in hawlgal laga sameeyay Shabeelaha Hoose lagu soo qabtay rag sar-sare oo ka tirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa kusoo aadaya maalmo kadib sheegashada dowladda, waxaana deegaanka Sabiid uu hoos tagaa dagmada Afgooye.

The post Al Shabaab oo weeraray saldhig ay leeyahiin ciidamada Dowladda. first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this