Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo cusub oo la wareegay amniga xarunta baarlamaanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in xalay ciidamada cusub la geeyey xarunta baarlamaanka ee maamulka Puntland.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Booliiska ee maamulkaasi ayaa amniga xarunta waxa ay kala wareegeen ciidamadii horey u joogay halkaasi, kadib codsi ka yimid xildhibaanada.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha wakiilada, gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa dhowaan ka dalbaday madaxweyne Siciid Deni in ciidamo Booliis ah oo dhex-dhexaad ah la geeyo xarunta baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa ciidamada horay u joogay xarunta wax ay sheegeen inay ahaayeen kuwo uu guddoomiyaha u adeegsanayey caburinta xildhibaannada ka aragtida duwan, sida ay hadalka u dhigeen.

Tallaabadan loo qaaday dhanka amniga e xarunta golaha wakiilada ayaa ku soo aadeysa, iyada oo maalin ka hor buuq iyo fowdo ay hareysay kulan ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka dowld goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaas oo lagu kala tegay.

The post Ciidamo cusub oo la wareegay amniga xarunta baarlamaanka Puntland first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this