Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabiley Safiirka Ka Socda Dal Ka Mida Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Amb. Jaroslav Zukersein oo safar ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaas waxa lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara dalalka Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu warbixin mugleh ka siiyey weftiga, horumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay, inay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta dawladda iyo shacbigeeda oo heegan buuxa u ah inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan.

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimid Dalka Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this