Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkay isku urursanayaan Ciidamada TPLF oo la ogaaday+Masafadey u jirto Caasimada Mekelle & Xoggo kale oo xasaasiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Halkay isku urursanayaan Ciidamada TPLF oo la ogaaday+Masafadey u jirto Caasimada Mekelle & Xoggo kale oo xasaasiya

tplf-300x139.jpg
Ciidamada TPLF

Dagaalyahanada TPLF ayaa la arkayay iyagoo isku dayaya inay isku uruursadan goobo ku yaalla daafaha caasimadda Mekelle kaddib markii dhawaan ciidamada Itoobiya ay ka qabsadeen halkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in dagaalyahanada TPLF ay isaga carareen caasimadda gobolka isla markaana lagu arkay meel ka baxsan magaaladaas.

“Waxaan ku aragnay iyagoo isku uruursanayo agagaarka magaalada Hagere Selam, oo 50 kiiloomiitar u jirta caasimadda Gobolka” ayuu yiri Abiy xilli uu la hadlayay baarlamaanka.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada militeriga aysan weerar qaadin maadama

Hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa beeniyay inay ku sugan yihiin deegaanka balse wuxuu qiray in ciidamadiisa lagu soo dhawaa.

Marsii horreysay ayay aheyd markii TPLF ay sheegeen inay sii wadaan dagaalka tan iyo inta dhulkooda ay ku sugan yihiin waxay ay ugu yeereen ‘Ciidamada kusoo duulay’

Boqolaal qof ayaa la rumeysan yahay in labada dhinac ay kaga dhinteen dagaalka ka socda gobolka Tigray kaas oo bilowday afar toddobaad ka hor.

Abiy wuxuu ku anddacooday in boqolkiiba 99 weeraradii duqeymaha ahaa ee la fuliyay Tigray lala beegsaday halkii loogu talagalay isla markaana aysan ka dhalan wax khasaare ah.

Waxaa aad u adag in la xaqiijiyo wararka gobolkaasi laga helayo maadaama isgaarsiinta ay go’an tahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this