Sign in to follow this  
Deeq A.

Cilad ku timid diyaarad ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya cilad ku timid diyaarad sidday mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle oo ku sii wajahnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga la socday diyaaraddan oo ka koobnaa xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil ayaa waxaa hoggaaminayey guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Cabdixakiin Luqmaan Muxumed.

Wararka ayaa sheegaya in ciladda ay ku timid mid ka mid ah matoorada diyaarada, hayeeshee ay si deg deg ah uga soo degtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyiintii la socday diyaaraddaas ay mid kale ka qaateen garoonka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Safarka wafdigan ay ku gaarayaan Beledweyne ayaa u jeedkiisu waxa uu yahay sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen xallinta xiisada ka taagan gudaha magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this