Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni iyo Wasiirka Haweenka Soomaaliya ka wada-hadlay Arrimaha Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   
2.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha ee xukuumadda Federaalka Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo wefdi ay hoggaaminayso.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Wefdiga ka socda dowladda Federaalka ay ka wada hadleen marxaladda doorashada, gaar ahaan doorka haweenka, iyo Haweenku sidii ay kooto ku filan uga heli lahaayeen Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Dowladda Puntland Aamina Cismaan Xaaji iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowladda Puntland Marwo Sahro-kiin Cabdi Xirsi.

1-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 2.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 3.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 4.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni iyo Wasiirka Haweenka Soomaaliya ka wada-hadlay Arrimaha Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this