Sign in to follow this  
Deeq A.

Jadwalkii Doorashada Qaran oo Burburay, Ku Dhowwaad 2 Bil Ayuu Dib u Dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa gebi ahaanba burburay jadwalkii doorashada ee ay ku heshiiyeen September golaha wadatashiga ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

Jadwalkan ayey maanta aheyd inuu bilaabato doorashada xildhibaannada Aqalka sare, taasi oo lagu waday in la gabagabeeyo 10-ka bishan.

Dhanka kale, waxaa horay u fashilmay dhameystirka magacaabista guddiyada doorashada iyo tababarkooda, kuwaas oo maamullada qaar aaney magacaabin, inta la magacaabayna uu muran ka jiro, talana ay kusoo jeediyeen murashaxiinta madaxtinnimada in la kala diro.

Waxaa kale oo fashilmay soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixinta.

 

gebi.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this