Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dhaqtar caan ahaa ku dilay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi lagu dilay nin dhaqtara ah oo caanka ahaa halkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Dr Yuusuf Axmed, waxaana la tilmaamay in kooxo hubeysan ay ku dhex-dileen Farmashiye uu ku lahaa Kismaayo.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga toogashadaas fuliyey ay goobta isaga baxsadeen, waxaana goor dambe meesha gaaray ciidamada ammaanka.

Allaha u naxariistee dhaqtar Yuusuf Axmed ayaa muddo fog ku howlanaa ka shaqeynta arrimaha caafimaadka iyo howlo samafal oo uu ka hayey gobollada Jubbooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this