Sign in to follow this  
Deeq A.

Buuq ka dhashay fadhi ay la haayeen Baarlamaanka Puntland iyo xildhibaano ka hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   
buuq.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Fadhi ay maanta la haayeen Baarlaanka Puntland ayaa waxaa hareeyay buuq, iyadoo markii dambana la hakiyey fadhigaas.

Guddoomiyaha Baarlanaaka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in fadhiga la hakiyay kadib markii ay is-hortaag ku sameeyeen 5 mudane habsami u socodkii shaqada golaha.

ABWAAN.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Bale mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo tiradoodu ka badnayn 10 mudane oo iyagu shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in buuqa baarlamaanka uu bilaamay markii guddoomiyuhu diiday in si hoose loo xaliyo cabasho ay qabeen qaar kamid golaha.

  • XIL..jpg?resize=1000%2C750&ssl=1Xildhibaannada hadlay

Mudanayaasha ayaa guddooomiyaha ku eedeeyay in uu ilaaladiisa gaar ah amar ku siiyay in ay soo galaan fadhiga baarlamaanka, sidoo kale uu ka damiyay makarafoonada codka.

Mudanayaasha hadlay ayaa ugu baaqay xukuumadda Puntland in ay la wareegto amniga xarunta Baarlamaanka Puntland oo ay ku sheegeen mid aan la isku halayn karin.

Fadhiga Baarlamaanka Puntland ee buuqu ka dhashay wuxuu markii hore ajandihiisu ahaa la xisaabtanka Golaha Xukumadda, waxaana golaha hor-yimid Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

PUNTLAND POST

The post Buuq ka dhashay fadhi ay la haayeen Baarlamaanka Puntland iyo xildhibaano ka hadlay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this