Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kormeeray qaar kamid ah Xarumaha dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xarumaha dowladda gaar ahaan Wasaaradaha Amniga, Shaqada Shaqaalaha, Qorsheynta , Ganacsiga, Tamarta iyo Macdanta, Hanti-dhowrka guud iyo xarunta xiriirka qurbajoogta Puntland.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu kormeer ku sameeyay shaqada ka socota dhammaan Wasaaradaha iyo Xarumaha kale oo uu booqday Maanta, si loo hubiyo Adeegyada loo hayo Shacabka.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalay shaqada ka socota xafiisyada kala duwan ee xarumahaasi, wuxuuna warbixin ka dhegaystay Mas’uuliyiinta xarumaha uu kormeeray.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Kormeerka Madaxweynaha ee xarumaha Hay’addaha Dowladda, ayaa qeyb ka ah qorshaha tayeynta hay’addaha dowladda si loo hubiyo in adeegyada dowladda lawada gaarsiiyo dadweynaha.

1-43.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-29.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-24.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-17.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 8-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 9-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kormeeray qaar kamid ah Xarumaha dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this