Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Tigray oo soo riday diyaarad dagaal,Duuliyihiina Gacanta ku dhigay+Magaalo Muhiima oo ay dib uga qabsadeen Milateriga Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

 Ciidamada Tigray ‘oo soo riday diyaarad dagaal,Duuliyiina Gacanta ku dhigay

tigray-10.jpg

Maamulka Tigray ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Itoobiya isla markaana ay qabteen duuliyihii waday diyaaradda xilli uu afar toddobaad galay dagaalka ka socdo gobolkaas, sida uu ku warramay teleefishinka maamulka Tigray.

“Diyaarad dagaal nooca MIG oo ay soo direen ciidamada diktaatooriga ah ee Abiy iyo Isaias, madaxweynaha Eritrea si ay u xasuuqdo shacabka Tigray ayaa waxaa soo riday ciidamada difaaca Tigray meel u dhaw deegaanka Abiy Adi oodhaca bartamaha gobolka, duuliyiihii diyaaraddana waa la qabtay” ayuu ku warramay teleefishinka maamulka Tigray.

Wasiirka arrimaha dimuqraadiyadda u qaabilsan dowladda Itoobiya Zadrig Abraha ayaa BBC u sheegay in wararka sheegayo in diyaarad laga soo riday uu yahay mid aan waxbo ka jirin.

Waxaa aad u adag in la xaqiijiyo wararka gobolkaasi laga helayo maadaama isgaarsiinta ay go’an tahay.

Dowladda Itooobiya ayaa sheegtay inay ugaarsaneyso oo ay ku raadjoogto hogaamiyayaashii gobolka Tigrey, maalin uun ka dib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay la wareegtay magaalada madaxda Tigrey ee Mekelle.

Mr Debretsion ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqa TPLF ay sii wadi doonaan dagaalka.

Geesta kalena Maamulka TPLF ayaa sheegay inay dib u qabsadeen magaalada labaad ee ugu weyn gobolka ee Axum isla markaana ay soo rideen diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo la yiraahdo Zadig Abraha ayaa been ku tilmaamay sheegashada TPLF ee ah inay dib ula wareegeen Axum.

Dhanka kale, hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in ciidamadiisa ay dagaal kula jiraan militeriga Itoobiya meel u dhaw caasimadda Mekelle halkaas labo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada dowladda.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu baarlamaanka u sheegay in hal qof oo rayid ah aan lagu dilin howlgalka militeri ee bisha ku dhawaadka ah ka socda Tigray, waxaana hadalkaas si weyn uga hor yimid madaxda Tigray.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this