Deeq A. Posted November 30, 2020 Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Weerarka oo ku bilowday qarax ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey raggii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka oo qaatay muddo saacado ah la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare xoog leh. Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalkaasi ayaa sidoo kale sheegatay inay muddo kooban la wareegtay xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee deegaankaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dagaalka ay ku qabsatay illaa shan gaari oo nooca dagaalka ah iyo hubkii ku xirnaa, sida ay hadalka u dhigay. Dhanka kale waxaa dagaal rogaal celis ah oo ay qaadeen ciidamada huwanta u suuragashay inay dib ula wareegaan gacan ku heynta Bacaadweyn Si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horeeyey intaba. Xaaladda ayaa hadda mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaanka Bacaadweyn oo dhaca bariga gobolka Mudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites