Deeq A. Posted November 30, 2020 Ururka Al-shabaab ayaa shaaciyay, in ay saaka oo Axad ah si rasmiya ula wareegeen degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug. War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal-yahannadoodu aroornimadii hore ee saaka qabsadeen degaanka Bacaadweyne, kadib markii ay halkaas isaga baxeen Ciidamo ka tirsan Galmudug oo gacanta ku hayay. Al-shabaab waxay sheegeen in ay dagaal culus kula wareegeen Bacaadweyne, islamarkaana ay 5 Gaari oo nooca dagaalka ah ka qabsadeen Ciidamada Galmudug, inkastoo aysan sheegin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalkaas ka dhashay. Dhinaca kale, Galmudug weli kama hadlin sheegashada Al-shabaab, islamarkaana ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkooda. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay qabsadeen Bacaadweyne appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites