Deeq A. Posted November 30, 2020 Garowe(Puntland Post)-Ganacsatada yar yar ee magaalada Garowe ayaa maanta albaabada u laabay ganacsigoodii kadib markii uu kor usii kacay sarifka doolarka. Suuqa weyn ee khudaarta iyo hilibka oo looyaqaan Inji iyo goobaha kale ee ganacsiga bacadlayaasha ayaa maanta haawanaya, waxayna ganacsatadu ka cabanayaan maciishada oo sii qaaliyoobaysan iyo in aysan awood u lahayn in ay iibsadaan qutal daruurigii ay qosaskooda ku quudin lahaayeen, maadaama marba marka ka dambaysa ay maciishadu sara usii kacayso. Dowladda ayaa ciidamo farbadan geysay suuqa, kuwaas oo ganacsatada shaqa joojinta sameeyay u diiday in ay mudaharaad ku muujiyaan cabashadooda. Degaanada Puntland waxaa lagu sarifayaa $1=46,000 Sh/S iyo in ka badan,i yadoo uu kor usii kacaayo marba marka ka dambaysa, waxaana xusid mudan in aysan waxba iska badelin sarifka Doolarka iyo maciishada Koonfurta Soomaaliya oo ay dhibaatadan ku kooban tahay Puntland. Sicir bararka Puntland oo muddo soo jiitamayay ayaa si gaar ah u saameeyay dadka danyarta ah, iyadoo dowladda ilaa hadda aysan waxba ka qaban. PUNTLAND POST The post Suuqa Garowe oo xiran appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites