Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddo Ku Taalla Galbeedka London oo Magaca Laga Beddelay

Recommended Posts

Deeq A.   

London (PP) — Degmada Ealing oo ku taalla Galbeedka London ayaa magaca ka beddeshay waddada Havelock Road . Magaca cusub ee waddadu waa Guru Nanak Road. Guru Nanak waa ninkii asaasay diinta Siingasiingaha (Siikha).

IMG-20201130-WA0000.jpg?resize=700%2C525Macbadka Siikha oo ku yaalla Southall.

General Henry Havelock wuxuu la dagaallamay Siikhii ka horjeeday gumeysiga Biritishka. Havelock wuxuu ugu dambeyntiin soo afjaray kacdoonkii Siikha.

“Henry Havelock wuu ku sii jiri doonaa taariikhda Biritayn hase ahaatee qoyka ka soo jeeda fikrad kale oo aad uga duwan tiisii bay qabaan. Anigoo ka soo jeeda Henry Havelock waxaan ku faraxsanahay in la iftiimiyo kaalinta iyo saameynta Siikhu ku leeyihiin dalkan Biritayn” ayay Emily Mckenzie ku qortay Twitterka.

IMG-20201130-WA0001.jpg?resize=693%2C514Golaha Degmada Ealing

Meesha waddadu ku taallo waa xaafadda Southall oo loo yaqaan ‘Little India”. Soomaali badan ayaa xaafadda ku nool. Waa xaafadda uu ku yaallo macbadka ugu weyn ee Siikha.

© Puntland Post, 2020

The post Waddo Ku Taalla Galbeedka London oo Magaca Laga Beddelay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this