Deeq A. Posted November 29, 2020 Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa magaalada Garowe kulan kula qaatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Wafdiga Beesha Caalamka ee la kulmay madaxweynaha Puntland ayaa ka socday Qaramada Midoobey, Midowga Yurub , Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD. Warar ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in wafdiga Beesha Caalamka uu madaxweyne Deni kala hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan magacaabida guddiga doorashooyinka heer gobol iyo doorashada Aqalka sare. Puntland iyo Jubbaland ayaa weli magacaabin guddiga doorashooyinka ee heer dowlad goboleed. PUNTLAND POST The post Garowe: Deni iyo wafdi ka socda Beesha Caalamka oo kulmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites