Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Qorsheel “Ma Jirto Sabab Uu Xulkeena Ugu Ciyaaro Nairobi Iyo Addis Ababa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Hawada sidoo kale u soo ciyaaray Xulka Qaranka Soomaaliya Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel) ayaa bogaadiyay da’daalada horomarineyd uu wado Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse,isagoo sheegay in ay garab taaganyihiin.

MVI_7221.MOV.00_00_00_00.Still001-1024x5

“Wasaarada Isboortiga waa mid ka mid ah Wasaaradaha ugu waaweyn ee dalka,waxaan rabnaa in ay noqoto Wasaaradaha ugu tayada wanaagsan Soomaaliya” ayuu Saciid Qorsheel u sheegay Goobjoog

FB_IMG_1604955282931-1024x768.jpg

Ka dib magacaabistii Wasiir Xamse Saciid ee Wasaarada Ciyaaraha waxa ay abuurtay rajo wanaagsan,iyadoo ay kalsooni gelisay bahda isboortiga Soomaaliya ee ku nool gudaha iyo dibadda.

FB_IMG_1604955278299-1024x768.jpg

“Wasiir Xamse waxaan ku soo wada kordhinay hal meel waa nin aad u wanaagsan oo dadka qadariya,runtii aqoon wanaagsan ayuu lee yahay ciyaaraha Soomaaliya,waxaana ka rajaynayaa in uu tayayeeyo Wasaarada Isboortiga dalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir hore Saciid Qorsheel.

Sequence-146.00_00_24_00.Still003-1024x7

Saciid Qorsheel sidoo kale wuxuu ka hadlay dib u dhiska lagu sameeyayo garoonka Stadium Muqdisho,isagoo sheegay in aduunka uu waagii horay uu la yaabnaa heerka ay Soomaaliya ka joogtay caalamka,iminka ay dib u soo laabanayso kaalintii aan kulaheyn nuucyada kala duwan ee isboortiga.

Stadium-Muqdisho1.jpg

“Garoonka maanta aan lee nahay wuxuu ka mid ahaa kan ugu weyn Qaarada Africa,xitaa Dowladdaha maanta hasyta lacagaha fara badan ee caalamka ma anan haysan mid la mid ah garoonka Stadium Muqdisho” ayuu Goobjoog Sports u sheegay ciyaaryahnkii hore Soomaaliya Saciid Jaamac Cali (Qoraheel).

Sequence-146.00_00_23_05.Still004-1024x7

Ugu danbeyntii Saciid Qorsheel waxa uu ka hadlay ahmyida ay lee yihiin ciyaaraha Gobolada,isagoo Wasiir Xamse Saciid kaga mahad celiyay guddiyada kala duwan uu u magacaabay qabasoomida iyo hergelinta  tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

AU6seP5.jpg

Daawo Waraysi Uu Saciid Qorsheel Siiyay Goobjoog Sports

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this