Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Rooble oo ka qaybgalay Shirweynaha Qurba joogta Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Aaladda Fogaan-aragga kaga qayb galay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee GSD ayaa soo bandhigay fursadaha horumarineed ee ka jira dalkeenna una baahan iskaashi iyo wadajir ah si looga faa’iideysto kaalinta Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la wadaagay Qurbajoogta Soomaaliyeed horumarka Maalgashi ee dalka laga sameeyay iyo kobaca dhaqaale, isagoona tusaaleeyay fursaddaha shaqo loogu abuuri karo dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo door firfircoon ku leh dib u dhiska dalka iyo dowladnimada.

“Qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa ay door weyn ka soo qaateen dib u heshiisiinta, Dowladnimada iyo horumarinta bulshadeenna ku nool gudaha, waxaa xusid mudan tan iyo burburkii dalkeenna in ay jiraan xarumo Caafimaad, Waxbarasho iyo Ganacsi ay ka hirgeliyeen dalkooda hooyo qurbajoogta, waxa ayna qeyb ka tahay dadaallada joogtatada ah ay ku bixiyaan soo kabashada dalkeenna”

Sido kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto kheyraadka kala duwan ee dalkeenna oo ay ugu horreeyaan horumarinta maalgashi xirfaddaha, Dalxiiska, Tamarta, kalluunka iyo hal abuurnimada ay dadkeenna hibada u leeyihiin.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qurbajoogta Shirka ka soo qeyb gashay ku dhiirrigeliyay isku xirnaanta iyo in ay hormuud u noqdaan dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa, iyagoo abuuraya mustaqbal wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed u herseeda barwaaqo waarta.

Dhankooda qurbajoogta Soomaaliyeed ee shira ka soo qeyb galay ayaa dowladda ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixineyso xaqiijinta amniga, kor u qaadidda dowladnimada iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this