Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Itoobiya Oo La Wareegay Magaalada Mekelle Ee Xarunta Gobolka Tigreyga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mekella)-Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa iclaamiyay in Ciidammada Federaalka Itoobiya ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigreyga.

Raysal Wasaaraha ayaa Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray waxa uu ku sheegay in Ciidammada Federaalka ay la waregeen Garoonka Diyaaradaha, Xarunta Gobolka, Xafiisyada Hay’adaha Dowliga iyo xarumo kale.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay inay tani ka dhigan yahay inuu dhammaaday wejigii 3aad, ee hawlgalka lagu qabanayay Magaalada Mekelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidammada Booliska ay sii wadi doonaan qorshaha lagu doonayo in lagu soo qabqabto Hoggaanka Maamulka Tigreyga, si loo horkeeno maxkamad.

Abiy Ahmed, Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa shacabka Tigreyga ku ammaanay Ciidamada Federaalka, intii ay hawlgalkan ku guda jireen.

Hoggaanka Tigreyga ayaan weli ka hadlin sheega-shada Xukuumadda Addis Ababa, ee ku aadan in lagala wareegay Magaalada Mekelle.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this