Sign in to follow this  
Deeq A.

Dilaagii Muqdisho – Macallin Ilkacase Iyo Xubno Kale Oo Lagu Fuliyey Dil Toogasho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Ciidammada Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay saddex ka mid ah Al-Shabaab oo uu ku jiro Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaano Macalin Ilkacase.

Fagaaraha Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye ee Iskuul Boolisiyo ayaa saaka waxaa lagu toogtay Maxamed Xaaji Axmed (Macalin Ilkacase), Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, kuwaas oo lagu helay dilal kala duwan oo ay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa 19-kii Bishii July ee sannadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase & Xubno kale, kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dil ah oo hore loogu riday, kuwaas oo Maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

Barnaamij gaar ah oo laga sii daayay Telefishinka Qaranka ayaa waxaa laga diyaariyay Maxamed Xaaji Axmed (Macalin Ilkacase), kaasoo ku qirtay dilal uu ka geystay iyo kuwo uu abaabulay, waxaana Ilkacase ahaa Macalin wax ka dhiga Iskuulada lagu barto Luqadda Ingiriiska.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Soomaaliya ayaa ka hadlay fulinta xukunka dilka, waxaana uu ka sheekeeyay heerarka uu soo maray xukunka dilka ee raggan lagu fuliyay.

Macalin Ilkacase iyo kooxdiisa ayaa dilalka ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 2017 iyo 2019, waxaa ku jiray Jeneraalo ka tirsan Ciidammada qalabka sida.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this