Sign in to follow this  
Deeq A.

Ikacase iyo labo kale oo saaka lagu toogtay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Maxamed Xaaji (Ilkacase) iyo rag ka tirsanaa shabkadiisa, kuwaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed.

Xubnahan oo horey dilal u geystay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu toogtay fagaaraha dugsiga Booliska ee General Kaahiye.

General Cabdullaahi Buulle Kamey, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida oo fulinta xukunka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqsiyaadkan oo dilay dad badan oo ay kamid ahaayeen, marxuum Cumar Maxamed Abiikar 10-08-2016, sarreeye guuto Ismaaciil Axmed Ismaaciil(Makayaalo) 28-10-2016, iyo marxuum Cabdulqaadir Daahir Diiriye 16-01-2018, lagu fuliyay dilka maanta oo taariikhdu tahay 29-11-2020.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this