Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xooggan oo ka dhacay duleedka Cadalle

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in duleedka degmada Cadale uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo malayshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay degaan lagu magacaabo Ceel-gub oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabbeellada Dhexe.

Taliyaha ciidanka Milateriga Soomalaiya Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in 8 xubnoo oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay dagaalkaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tiro intaas ka badan ay ka dhaawaceen kooxda, isla markaana ay jiraan xubno ka tirsan oo ay nolosha ku qabteen.

PUNTLAND POST

The post Dagaal xooggan oo ka dhacay duleedka Cadalle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this