Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Ethiopia+Abiy Axmed oo shaaciyey inay si Buuxda u qabsadeen Mekelle +Hogaamiyaha Tigreega oo shaaciyey inaaney quusan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ethiopia+Abiy Axmed oo shaaciyey inay si Buuxda u qabsadeen Mekelle & Hogaamiyaha Tigreega oo shaaciyey inaaney weli quusan

mekelle
mekelle

Dowladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday inay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray sida ay sheegeen raisalwasaaraha dalkaasi Aby Ahmed Sabtidii Shalay.

Dowladda Ethipia ayaa hore u sheegtay in ciidankeeda ay ku jiraan wajiyadii ugu dambeeyay ee dagaalka islamarkaana ay ka taxaddarayaan bad qabka dadka rayidka ah ee Mekelle oo ah magaalo ay ku noolyihiin 500,000 oo ruux.

War qoraal ah oo raisalwasaaraha Ethiopia Aby Ahmed uu bartiisa twtterka soo dhigay ayuu sheegay inay gudaha u galeen magaalada Makelle iyadoo aan la bar tilmaameedsanin dadka rayidka ah ee aan dambiga laheyn.

Mekelle under command of the National Defense Forces pic.twitter.com/rj8GbK3ii8

— Abiy Ahmed Ali 🇪🇹 (@AbiyAhmedAli) November 28, 2020

Sidoo kale madaxa milatariga Ethiopia Birhanu Jula ayaa isagana bartiisa Facebook ku sheegay inay magaalada gacanta ku hayaan.

#Ethiopia: Ethiopian army chief of staff, General Berhanu Jula, said the army is in full control of the city of #Mekelle, the capital city of #Tigray regional state, according to #ENDFhttps://t.co/fg22XP3iOc pic.twitter.com/LbopiDwbgZ

— Addis Standard (@addisstandard) November 28, 2020

Hogaamiyaha ururka TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Ethiopia Debretsion Gebremichael ayaa wakaaladda wararka ee Reutres u sheegay inaysan quusananin, mar la weydiiyay hadii ay dagaalka sii wadayaan ayuu ku jawaabay in tani ay tahay difaacidda xuquuqdooda iyo aaya ka tashigooda.

Debretsion Gebremichael ayaa sidoo kale Reuters u sheegay in Mekelle oo nus million dad ah ay ku nool yihiin duqeymo xooggan ay ku socdeen afartii todobaad lasoo dhaafay.

Aby Ahmed ayaa sheegay in qabsashada Mekelle kadib inay hor yaallaan howlo muhiim ah oo ay kamid yihiin dib dhiska iyo dayactirka waxii ku burburay dagaalka iyo soo celinta dadkii ka qaxay iyadoo muhiimad la siinayo in sidii caadi aheyd lagu soo celiyo xaaladda dadka gobolka Tigray.

Waqtigii kama dambeysta ahaa ay dowladda Ethiopia u qabatay ururka TPL inay ay hubka isaga dhigaan ama ay wajahaan dagaal adag ayaa ku ekaa Arbacadii lasoo dhaafay.

Kumanaan dad ah ayaa la rumeysan yahay in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 40 kun oo qaxooti ahna ay u carareen dalka ay dariska la yihiin ee Sudan iyagoo colaadda ka baxsanaya, sidoo kale goblka Tigray ayaa xuduud la leh dalka Eriterea.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this