Sign in to follow this  
Deeq A.

Milateriga Itoobiya oo shaaciyey inay si Buuxda Gacanta ugu dhigeen Caasimada Tigray-Mekelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Milateriga Itoobiya oo shaaciyey inay si Buuxda Gacanta ku dhigeen Caasimada Tigray-Mekelle

.tigray-6-300x168.jpg

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu “si buuxda gacanta ugu dhigeen” magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle.

Sheegashadiisan ayaan ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysaa jirin.

Dhanka kale, xoogagga Tigray ayaan iyaguna ilaa haatan dhinacooda fal celinin hadalkaa uu shaaciyey taliyuhu.

Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xoogagga fallaagada ah ee gobolka Tigray ayaa sheegay in ciidamada dawladda Itoobiya bilaabeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolkaas.

Hogaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa fariin telefoon oo qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay in Mekelle “duqayn culusi” ku socoto.

Af-hayeenka xafiiska ra’sial wasaraha, Billene Seyoum, ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay “duqaynayn” goobaha rayidka ah, waxaanay intaa ku dartay in “bedqabka dadka rayidka ah ee reer Itoobiya ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray tahay arin mudnaan u leh xukuumadda federaalka”.

Debretsion ayaa sidoo kale ku eedeeyey ciidamada dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea in ay weerareen xeryo qaxooti oo ku yaal gobolka Tigray si ay u qabqabtaan qaxooti hore uga soo qaxay Eritrea.

Wakaaladda wararka ee Reuters uma ay suurto gelin ay wax jawaab ah ka hesho xukuumadda Eritrea oo ku saabsan eedayntaas.

Eedaymaha ay dhinacyada oo dhami is weydaarsadaan ayay adagtahay in la xaqiijiyo maadaama oo telefoonnada iyo internet-ku ba ka go’an yihiin deegaanka, inta suurto galka ahna gacan adag lagu hayo tan iyo markii uu dagaalkaa dhex maraya xoogagga TPLF iyo kuwa dawladdu uu halkaa ka bilaabmay saddex todobaad ka hor.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this