Deeq A. Posted November 28, 2020 Addis Ababa (PP) — Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa gacankiisa Twitterka ku soo qoray in ciidammada Itoobiya hadda gacanta ku hayaan Mekelle, caasimadda Tigray oo TPLF gacanta ugu jirtay. Si madaxbannaan looma xaqiijinin warkam oo hadduu dhaboobo muujinaysa in hawlgalkii dowladda Itoobiya ku tilmaantay dib u soo celinta sharciga uu soo gabagaboobay. Dowladda Itoobiya ayaa billowgii bishan ku dhawaaqday weerar ka dhan TPLF oo doorasho gaar ah ka abaabushay Tigray bishii Sebteembar. Waxaa la rumeysan yahay in dowladda Eritreeya ay gacan Itoobiya ka siisay la dagaallanka TPLF. Abiy Axmed oo shaacinaya qabsashada Mekelle. © Puntland Post, 2020 The post Ciidammada Itoobiya oo qabsaday Mekelle appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites