Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Ciidamada Abiy Ahmed ‘oo galay’ magaalada Mekelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Mekelle (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay in ciidamada dowladda ay galeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda.

“Waxaan awood u yeelanay inaan galno magaalada Mekelle ayada oo aan la beegsan goobo dadweyne,” waxaa sidaas Abiy Ahmed kasoo xigtay taleefishinka dowladda ee EBC.

Taliyaha ciidamada militariga, Birhanu Jula ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Mekelle, sida ku xusan qoraal uu soo dhigay barta militariga ee facebook.

Ciidamada dowladda ayaa goor sii horreysay oo maanta ah duqeyn xooggan iyo weerar culus ku qaaday magaalada, oo ay ku nool yihiin in ka badan 500,000 oo qof.

Way adag tahay in si madax-banaan loo xaqiijiyo sheegashada dowladda. Sidoo kale, kooxda TPLF ee maamusha Tigray weli kama hadal.

Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael waxa uu horey u sheegay in qabsashada Mekelle aysan la macno noqon doonin in dagaalka uu dhammaaday, taasi oo loo fasirtay inay billaabi doonaan dagaal jabhadeyn ah.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay, kumanaan kalena waa ay ku barakaceen dagaalka oo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku dhowaaqay, 4-tii November, kadib markii uu sheegay in ciidamada TPLF ay weerareen saldhig militari, oo ay ku sugnayaeen ciidanka dowladda.

The post DEG DEG: Ciidamada Abiy Ahmed 'oo galay' magaalada Mekelle first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this